Tanmiya oo gargaar raashina kaqeybisay Magaalada Baydhabo.

Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay u qeybisay raashin gar gaara oo ay kusoo deeqeen Al-maktab al kheyri oo kasoojeeda wadanka sacuudiga.

Rashaainka ayaa lagaarsiiyey qoysas gaaraya 815 qoys kuwaas oo kamida dadka ay saameeyeen abaarihii isxigxigay ee dalka ku dhuftay  waxaana kusoo deeqa walaala muxsiniin ah oo kasoojeeda dalka boqortooyada sacuudiga.

Sh. Cumar Axmed Sh Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hay’ada Tanmiya oo ka hadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa u mahadceliyey walaalaha Sacuudiga ee gurmadka soo dhiibay wuxuuna Alle uga baryey badal kheyreysan.

Dhanka kale dadkii ka faaideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda u mahadceliyey walaaha sacduudiyaanka ah ee u soo gurmaday iyo waliba hay’ada tanmiyah oo ka shaqeysay sidii wax loosoogaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

dsc00067 dsc00122 dsc00135 dsc00179 dsc00320 dsc00350 dsc09784 dsc09798 dsc09838

SAMSUNG CSC

SAMSUNG CSC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*