Tanmiya oo Kaalmo lacageed Gaarsiisay Baladweyne

Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa in kabadan 319 qoys oo kunool xeryaha barakacayaasha duleedka Magaalada Baladweyne uqeybisay Lacag Cadaana waxaana qoys walba oo kamida dadkaas lasiiyey lacag 100 doolar ah si ay noloshooda ugu maareeyaan.

waxaana Mashruucaas taakuleyta dadka fatahaaduhu saameeyeen  maalgaliyey kuna deeqay Mu’asasaad Tacliinta kashaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka ingiriiska (Darusalam Center, Alqalam Center iyo Hay’ada geeska Africa.

Sh cabdifataax xasan Axmed oo ah madaxa fulinta ee Hay’ada Tanmiyah oo kahadlay goobta Lacagta  lagu qeybiyey ayaa sheegay inay mashruucan ay maalgaliyeen Mu’asasaad Tacliinta kashaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka ingiriiska.

Dadkii looqeybiyey raashinka ayaa aad ugu riyaaqay waxayna u mahadceliyeeyn dhamaan intii ka qeybqaadatay quudintooda gaar ahaan Hay’adihii soomaalgaliyey mashruuca.

Qeybinta kaalmadaan ayaa imaaneysa xili magaalada Baladweyne ay dhawaan ku dhufteen fatahaado islamarkaana ay dadkii kunoolaa magaalada inteeda badan isaga carareen oo ay kurafaadsanyihiin magaalada duleedkeeda.

6f7ad764-dfda-479f-adb8-d5f73c48e166 13cd1964-e149-4125-a7f1-069e55ac1ca3 72bb0641-5b4b-4517-8a06-d590b4ff5f0b 620de498-4488-4565-b010-9891e55e216d 4420e862-a6f8-4972-8559-78248a28557a b7effc4d-506e-441f-80de-1f54bf95d7a8 b683a105-6dbd-4e9c-97aa-6bbf88f49eca f09cfada-e9ec-47e3-8728-7e7f82e04e25

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*