Hay’ada Horumarinta Bulshada Tanmiya oo Raashin afura Gaarsiisay boqoaal qoys

Hay’ada Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ee Tanmiyha ayaa raashiin afur ah gaarsiisay boqolaal qoys oo barakacayaal ah kuwaas oo kunool daafaha Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho waxaana Raashinkaas kudeeqaay hay’ada LIFE.

Raashinka laqeybiyey ayaa ahaa mid bilsha ramadaan kufilan qoyska wuxuuna ka koobnaa 50 kg bur, 25 kg bariis, 5 Liter saliid ,  sokor iyo kartoon timir ah. waxaaana lagu qeybiyey raashinka dhowr xarumood oo kaladuwan.

Dadka lagaarsiiyey Kaalmada ayaa kamahadcliyey waxayna sheegeen inay kusoo beegantay xili ramadaaana oo ay aad ugu baahnaayeen isla markaana wadanka aysan kajiro shaqooyin badan sababa laxiriira saameynta caabuqa corona virus ee dhawaanahan aafeeyey dunida oo dhan.

IMG_1787 IMG_2247 IMG_2325 IMG_2329 IMG_2413

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*