Raashin gargaara oo ay Tanmiya kaqeybisay Magaalada Muqdisho.

Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee magaalada ee dagan duleedka Magaalada Muqdisho u qeybisay raashin qalalan oo loogutalagalay inay ku afuraan bisha Ramadaaan wuxaana maalgaliyey Mashruucaas Hay’ada LIFE ee Fadhigeedu yahay dalka Faransiiska.

Rashaainka oo gaarayey ilaa 100 tan ayaa lagaarsiiyey qoysas gaaraya 118 qoys kuwaas oo kamida dadka ay saameeyeen abaarihii isxigxigay ee dalka ku dhuftay  kuwaas oo barakac ahaan ugu nool duleedka magaalada Muqdisho.

Sh. Cabdifatax Xasan Axmed oo ah gudoomiye kuxigeenka Hay’ada Tanmiya oo ka hadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa u mahadceliyey walaalaha LIFE ee gurmadka soo dhiibay iyo cidkasta oo kaqeybgashay fulinta gargaarkaas.

Dhanka kale dadkii ka faaideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda u mahadceliyey Hayda LIfe ee u soo gurmatay iyo waliba hay’ada tanmiyah oo ka shaqeysay sidii wax loosoogaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

18835985_1389112747793393_8164825806143098545_n 18835665_1389112781126723_3987083372132084824_n 18835492_1389112677793400_1527351832418112318_n 18813288_1389145811123420_172365520138605855_n 18767941_1389112777793390_1834911284489013046_n 18765749_1389112907793377_3325080363081257299_n 18767393_1389112824460052_4084065511512551597_n 18767668_1389112914460043_1648159821823100961_n 18767708_1389112624460072_9072896288185620378_n 18767907_1389112614460073_2536768981245196187_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*