Hay’ada Tanmiya oo raashin gargaara kaqeybisay Gobolka Nugaal.

Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Gobolka Nugaal u qeybisay raashin gar gaara oo ay kusoo deeqeen hay’ada Eid Charity oo dalka Qadar.

Rashaainka ayaa lagaarsiiyey qoysas gaaraya 900 qoys kuwaas oo kamida dadka ay saameeyeen abaarihii isxigxigay ee dalka ku dhuftay  waxaana kusoo deeqa walaala muxsiniin ah oo kasoojeeda dalka boqortooyada sacuudiga.

Sh. Axmed Muusa oo ah madaxa mashaariicda Hay’ada Tanmiya oo ka hadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa u mahadceliyey walaalaha Qadar ee gurmadka soo dhiibay wuxuuna Alle uga baryey badal kheyreysan.

Dhanka kale dadkii ka faaideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda u mahadceliyey walaaha qadar ah ee u soo gurmaday iyo waliba hay’ada tanmiyah oo ka shaqeysay sidii wax loosoogaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

3e26a692-6f23-4e99-a8c4-7492df51dc71 9c1a2bf8-4cf0-4394-b20a-21abd9758d37 12c3392c-5d19-4590-9b37-23b5327660d9 89de01af-869a-481f-a7ff-0fb3ee77b2e0 1450f9f6-8762-44d5-b92f-bac86cf2c002 26133e73-eb8d-4c0e-aecd-1d9749fb467c a2bd8aa2-2bb4-4c58-9463-edf0006cd122 a05d17c8-7746-4d11-8e35-6a862ab55b01 c1df0e9b-e82e-48ed-b164-0e11647080e1 c40b4009-6d8f-4408-b26f-a27e59e53e14

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*