Boqolaal qoys oo barakacayaala oo raashin afura lagaarsiiyey

Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa in kabadan 740 qoys oo kunool xeryaha barakacayaasha duleedka Caasimada Muqdisho uqeybisay Raashin ay ku afuraan bisha ramadaan waxaana raashinkaasi maalgaliyey kuna deeqay Hay’ada Salsabiil ee fadhigeedu yahay dalka France.

Qoys walba oo kamida 740 kaas qoys waxa lasiiyey raashin kufilan bisha ramadaan oo dhan kaas oo ka koobay 25 kg Bur, 25 kg Bariis, 12.5 kg Sokor, caag saliida iyo gasac caanao ah nuuca 900g iyo timir.

Qaar kamida mu’uuliyiinta Hay’ada Tanmiyah oo kahadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa sheegay inay mashruucan ay maalgalisay Salsabiil iyagoona uga mahadceliyey arinkaas.

Dadkii looqeybiyey raashinka ayaa aad ugu riyaaqay waxayna u mahadceliyeeyn dhamaan intii ka qeybqaadatay quudintooda gaar ahaan Hay’adii soomaalgalisay mashruuca ee Salsabiil.

61521292_2262567103781282_344940286809473024_o 61606109_2262567273781265_8467869327935143936_o 61615635_2262567300447929_1917046467747381248_o 61617189_2262567640447895_7504529629688889344_o 61651044_2262566893781303_2781384957912678400_o 61671013_2262567873781205_6949170945063911424_o 61671568_2262567970447862_134163890584944640_o 61786498_2262567497114576_1288583909281366016_o 62234656_2262567790447880_9138371086423949312_o 62236577_2262567030447956_1851685517997899776_o

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*