Tanmiya oo Boqolaal qoys oo barakacayaala raashin qeybisay

Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa in kabadan 700 qoys oo kunool xeryaha barakacayaasha duleedka Caasimada Muqdisho uqeybisay Raashin ay ku afuraan bisha ramadaan waxaana raashinkaasi maalgaliyey kuna deeqay Hay’ada LIFE ee fadhigeedu yahay dalka France.

Qoys walba oo kamida 700 kaas qoys waxa lasiiyey raashin kufilan bisha ramadaan oo dhan kaas oo ka koobay 25 kg Bur, 25 kg Bariis, 12.5 kg Sokor, caag saliida iyo gasac caanao ah nuuca 2.5 kg.

Qaar kamida mu’uuliyiinta Hay’ada Tanmiyah oo kahadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa sheegay inay mashruucan ay maalgalisay LIFE iyagoona uga mahadceliyey arinkaas.

Dadkii looqeybiyey raashinka ayaa aad ugu riyaaqay waxayna u mahadceliyeeyn dhamaan intii ka qeybqaadatay quudintooda gaar ahaan Hay’adii soomaalgalisay mashruuca ee LIFE.

33965477_1734997096538288_6321104296683241472_o1 33984686_1734996933204971_8200552161159938048_o 34012875_1734997069871624_8448793479798063104_o 34016702_1734996956538302_5446183449482231808_o (1) 34016702_1734996956538302_5446183449482231808_o 34049228_1734997086538289_2090064436378206208_o

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*