Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa in kabadan 319 qoys oo kunool xeryaha barakacayaasha duleedka Magaalada Baladweyne uqeybisay Lacag Cadaana waxaana qoys walba oo kamida dadkaas lasiiyey lacag 100 doolar ah si ay noloshooda ugu maareeyaan.
waxaana Mashruucaas taakuleyta dadka fatahaaduhu saameeyeen maalgaliyey kuna deeqay Mu’asasaad Tacliinta kashaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka ingiriiska (Darusalam Center, Alqalam Center iyo Hay’ada geeska Africa.
Sh cabdifataax xasan Axmed oo ah madaxa fulinta ee Hay’ada Tanmiyah oo kahadlay goobta Lacagta lagu qeybiyey ayaa sheegay inay mashruucan ay maalgaliyeen Mu’asasaad Tacliinta kashaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka ingiriiska.
Dadkii looqeybiyey raashinka ayaa aad ugu riyaaqay waxayna u mahadceliyeeyn dhamaan intii ka qeybqaadatay quudintooda gaar ahaan Hay’adihii soomaalgaliyey mashruuca.
Qeybinta kaalmadaan ayaa imaaneysa xili magaalada Baladweyne ay dhawaan ku dhufteen fatahaado islamarkaana ay dadkii kunoolaa magaalada inteeda badan isaga carareen oo ay kurafaadsanyihiin magaalada duleedkeeda.