Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay u qeybisay raashin gar gaara oo ay kusoo deeqeen Al-maktab al kheyri oo kasoojeeda wadanka sacuudiga.
Rashaainka ayaa lagaarsiiyey qoysas gaaraya 815 qoys kuwaas oo kamida dadka ay saameeyeen abaarihii isxigxigay ee dalka ku dhuftay waxaana kusoo deeqa walaala muxsiniin ah oo kasoojeeda dalka boqortooyada sacuudiga.
Sh. Cumar Axmed Sh Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hay’ada Tanmiya oo ka hadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa u mahadceliyey walaalaha Sacuudiga ee gurmadka soo dhiibay wuxuuna Alle uga baryey badal kheyreysan.
Dhanka kale dadkii ka faaideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda u mahadceliyey walaaha sacduudiyaanka ah ee u soo gurmaday iyo waliba hay’ada tanmiyah oo ka shaqeysay sidii wax loosoogaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

SAMSUNG CSC