Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee magaalada ee dagan duleedka Magaalada Muqdisho u qeybisay raashin qalalan oo loogutalagalay inay ku afuraan bisha Ramadaaan wuxaana maalgaliyey Mashruucaas Hay’ada LIFE ee Fadhigeedu yahay dalka Faransiiska.
Rashaainka oo gaarayey ilaa 100 tan ayaa lagaarsiiyey qoysas gaaraya 118 qoys kuwaas oo kamida dadka ay saameeyeen abaarihii isxigxigay ee dalka ku dhuftay kuwaas oo barakac ahaan ugu nool duleedka magaalada Muqdisho.
Sh. Cabdifatax Xasan Axmed oo ah gudoomiye kuxigeenka Hay’ada Tanmiya oo ka hadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa u mahadceliyey walaalaha LIFE ee gurmadka soo dhiibay iyo cidkasta oo kaqeybgashay fulinta gargaarkaas.
Dhanka kale dadkii ka faaideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda u mahadceliyey Hayda LIfe ee u soo gurmatay iyo waliba hay’ada tanmiyah oo ka shaqeysay sidii wax loosoogaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.