Hay’ada Horumarinta Bulshada ee Tanmiya ayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Gobolka Nugaal u qeybisay raashin gar gaara oo ay kusoo deeqeen hay’ada Eid Charity oo dalka Qadar.
Rashaainka ayaa lagaarsiiyey qoysas gaaraya 900 qoys kuwaas oo kamida dadka ay saameeyeen abaarihii isxigxigay ee dalka ku dhuftay waxaana kusoo deeqa walaala muxsiniin ah oo kasoojeeda dalka boqortooyada sacuudiga.
Sh. Axmed Muusa oo ah madaxa mashaariicda Hay’ada Tanmiya oo ka hadlay goobta raashinka lagu qeybiyey ayaa u mahadceliyey walaalaha Qadar ee gurmadka soo dhiibay wuxuuna Alle uga baryey badal kheyreysan.
Dhanka kale dadkii ka faaideystay deeqdan raashinka ah ayaa dhankooda u mahadceliyey walaaha qadar ah ee u soo gurmaday iyo waliba hay’ada tanmiyah oo ka shaqeysay sidii wax loosoogaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.